[google-translator]
    AfmoNews
    Advertisement
    No Result
    View All Result
    No Result
    View All Result
    AfmoNews
    No Result
    View All Result
    Home News

    General Xuud: Laba cadow isma dugsato, hana dhaafaan Hirshabelle

    Admin by Admin
    December 6, 2020
    in News, Politics
    0 0
    0
    0
    SHARES
    64
    VIEWS
    Share on FacebookShare on Twitter



    General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Militariga Somaliya ayaa hadda hoggaaminaya jabhadda laga aasaasay Gobolka Hiiraan, ee mucaaradada ugu weyn kala horjeeda Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

    Daba-yaaqadii bishii hore ee November waxaa deegaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Beledweyne looga dhawaaqay Jabhadda HLF (Hiran Liberation Front), ka dib doorashadii 11-kii bishaasi ka dhacday Magaalada Jowhar, laguna soo doortay Cali Guudlaawe. Jabhadan waxaa hoggaaminaya General Abuukar Xaaji Warsame.

    Jananka ayaa si lama fillaan ahayd waxaa Sabtidii loogu arkay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, sababo ku aadan isagoo magaalada bannaanka ka joogay, tan iyo markii jabhadaasi lagu dhawaaqay.

    Jananka oo la hadlay BBC, waxna laga weydiiyay asbaabaha uu u tagay Beledweyne ayaa yiri “Beledweyne waxaan ka doonay odayaashii nabadoonada ee reer Hiiraan ayaa ii yimid, oo iga codsaday inaan kulano Wasiirka Arrimaha Gudaha, waan ka ogolaaday, ka bacdi waxay dhaheen wixii qodobo aad rabtay iyo sidaad u rabtay ee jabhadda u rabtay ama bulshada eer Hiiraan aad u rabtay soo qoro, waan is weynay Wasiirka, laakiin dokumentigii oo qoraal ah markaan ka soo tagaayay ayaan u dhiibay dad, waana loo gaynayaa Wasiirka.” Ayuu yiri General Abuukar Xaaji Warsame.

    Muxuu yahay waxaad rabtaan oo warqadaasi ku qoran oo la weydiiyay ayaa yiri “Waxaa ku qoran kooxda sheeganeysa Hirshabelle in ay ka baxdo gobolka.” Gobolkee oo la weydiiyay ayaa ku jawaabay “Gobolka Hiiraan. Waxa uu intaa ku daray “Anaga ma magacaabin, ma dooran, waxay noola jooggaan waa dulmi iyo is aamin-darro, taasna waxay keeni kartaa isku dhac, anagoo ka fiirsaneyno weliba dhac, sida aan u sahli lahayn inaan u sahalno. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa laba cadow isma dugsato. Marka waxaan ku iri hana dhaafaan nimankaas.”

    Su’aal ahayd inay diidan yihiin Madaxda Hirshabelle ka socoto ee ku sugan Magaalada Beledweyne oo la weydiiyay ayaa wuxuu ku jawaabay “Aan diidanahay inay jooggaan.”

    Su’aal kale oo ahayd waxa ay isku tilmaami karaan isaga iyo maleeshiyada uu ku uruursanayo Ceelgaal oo la weydiiyay ayaa waxaa uu yiri “Anaga dad nabadgelyo, dad xaq u dirira, dad la dhacay oo diidan wixii laga dhacay ayaan nahay.”

    Waxa la’idinka dhacay oo idinka maqan oo la weydiiyay ayaa yiri “Waxa nalaga dhacay waxa waaye Hirshabelle afartii sano ee hore xaq laguma dhisin, afartaan sanana 10 jeer ayadoo la sii laba jibaaray xaq darradii ayaa haddana lagu dhisay. Sidaa daraadeed ayaa anaga ku diidnay fekradaas ay Nabad iyo Nolol ku dhistay Hirshabelle.”

    General Xuud oo la weydiiyay in isagoo Janan Soomaaliyeed ah uu wax ku raadiyo jabhad reer ku dhisan, isla-markaana uu dowlad-diid noqdo sida uu u arko ayaa kaga falceliyay “Waa khalad, dowladnimana ma diidani, reerkeyna keliyana maaha waa reer Hiiraan oo dhan. Waan kulansanahay, waxaana diidanahay waa xaq darro, waa sharci darro, waa wixii uu ballanqaaday Madaxweynaha xilligii uu doorashada ku guuleystay uusan fulin. Reer Hiiraan inay tashtaan ay isku gaystaan waxooda, oo waxa lagu yaqaano Dowladda Federaalka ee caburinta ah waxa looga bixi karo ee ah inaanciidan sameysano, anagoo cidna ku dileyn.”

    General Xuud ayaa intaa ku daray “Ciidan qaran maba jiraba, ciidan qaran xaguu jiraa? Puntland ciidankeeda ayay haysataa, waqooyi ciidankooduu haystaa, anagana ciidankayagaa haysanaa. Xaqiiqada runta ah ciidamada nin afartan sano soo ahaa baan ahay, ninkaad rabto oo Sarkaal oo ciidan ah weydii. Ma jiro Somaliya ciidan qaran oo ka kooban gobolada oo dhan.”

    Si kastaba ha-ahaatee Beledweyne waxaa Jimcihii ka dhacay iska horimaad hubeysan iyo bannaanbaxyo looga soo horjeeday safar lagu waday in uu ku taggo Madaxweynaha Hirshabelle, safarkaasi ayaana la baajiyay, ka dib kulan uu Wasiirka Arrimaha Gudaha magaaladaasi kula qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

    Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com



    Source link

    Admin

    See author's posts

    Admin

    Admin

    Related Posts

    Maxaa ka cusub xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay?

    March 1, 2021
    1

    Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga oo ka badbaaday qaraxii Muqdisho

    February 28, 2021
    0

    Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Degmada Hodan

    February 28, 2021
    0

    Qin Jian: Somaliya waxaa ku nool dad yar, balse leh dhul ballaaran iyo khayraad dabiici ah

    February 28, 2021
    0

    Xaaladdii ugu adkeyd oo ka taagan Degmada Ceelwaaq (SAWIRRO)

    February 28, 2021
    0

    Dadka qaba COVID-19 oo buux-dhaafshay isbitaalada Muqdisho

    February 28, 2021
    0

    Stay Connected test

    • 81 Followers
    • 103k Subscribers
    • 22.9k Followers
    • 99 Subscribers
    • Trending
    • Comments
    • Latest

    Doctors take inspiration from online dating to build organ transplant AI

    August 25, 2020

    Sevilla: Jules Koundé positive for coronavirus

    October 16, 2020

    DEG DEG:-MD Farmaajo, Mursal & Rooble Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Villa Somalia Iyo Nisa Oo War..

    October 14, 2020

    (Sawirro) RW Rooble oo sheegay in Xukuumadiisu ahmiyad gaar ah siinayso dhamaystirka..

    October 14, 2020

    Game of Thrones spending just as long making fewer episodes

    0

    With 150 million daily active users, Instagram Stories is launching ads

    0

    Washington prepares for Donald Trump’s big moment

    0

    CS:GO ELeague Major pools and tournament schedule announced

    0

    Maxaa ka cusub xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay?

    March 1, 2021

    WARKA HABEEN 8:00PM (28-02-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021

    Bar Xog Wareysi {28-02-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021

    Barnaamijka Tala Wadaag Qeybtiisa Caafimaadka {28-02-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021

    Recent News

    Maxaa ka cusub xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay?

    March 1, 2021
    1

    WARKA HABEEN 8:00PM (28-02-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021
    0

    Bar Xog Wareysi {28-02-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021
    1

    Barnaamijka Tala Wadaag Qeybtiisa Caafimaadka {28-02-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021
    1
    ADVERTISEMENT
    AfmoNews

    Afmo News www.afmonews.com is an independent Somali News site owned by Somali World News. Established in 2020 by Somali journalist, Afmo News is the World News site as of April 2020. Afmo News covers all the latest headlines in Somali news, politics and society.

    Follow Us

    Browse by Category

    • Apps
    • Business
    • Entertainment
    • Fashion
    • Food
    • Gadget
    • Gaming
    • HEALTH
    • Health
    • Lifestyle
    • LOVE STORY´S
    • Mobile
    • Movie
    • MOVIE & TV
    • Music
    • News
    • Politics
    • Review
    • Science
    • SCIENCES
    • SOMALI NEWS
    • Sports
    • Startup
    • TECH
    • Tech
    • Travel
    • Uncategorized
    • World

    Recent News

    Maxaa ka cusub xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay?

    March 1, 2021

    WARKA HABEEN 8:00PM (28-02-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021
    • About
    • Advertise
    • Privacy & Policy
    • Contact

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • News
    • Tech
    • Entertainment
    • Lifestyle
    • Review
    • Politics

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    Login to your account below

    Forgotten Password?

    Fill the forms bellow to register

    All fields are required. Log In

    Retrieve your password

    Please enter your username or email address to reset your password.

    Log In
    This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.
    • English
    • Somali (Somali)
    • Deutsch (German)