Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdi xakiin Dhagajuun ayaa caawa lagu qarxiyay Magaalada Muqdisho, xilli uu maraayay wadada 21October ee Degmada Waaberi.
Gaariga Guddoomiyaha ayaa waxaa lala eegtay Qarax Miino oo Khasaare gaystay, waxaana halkaasi ku dhintay laba ka mid illaalada Guddoomiyaha Degmada Hodan.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay dhaawac fudud inuu ka soo gaaray Qaraxaasi, waxaana loola cararay Isbitaalka Digfeer oo hadda xaaladiisa Caafimaad lagu dabiibayo.
Qaraxa Guddoomiyaha lala eegtay ayaa wuxuu ahaa miinada nooca soo boodada ah ee Meelaha fog fog laga hago.
Wadada 21 october ayaa waxa ay noqotay meel halis badan oo gaadiidka ay saaran yihiin Madaxda dowladda Federalka Somaliya qaraxyo miino lagula eegto.
Dhaawaca Guddoomiyaha ayaa hadda lagu daweynayaa Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo madax kala duwan ay gaareen.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com