[google-translator]
    AfmoNews
    Advertisement
    No Result
    View All Result
    No Result
    View All Result
    AfmoNews
    No Result
    View All Result
    Home News

    Heshiiskii Dowladda Somaliya iyo shirkadaha shidaalka oo dib u dhacay

    Admin by Admin
    January 5, 2021
    in News, Politics
    0 0
    0
    0
    SHARES
    13
    VIEWS
    Share on FacebookShare on Twitter



    Waxaa uu dib u dhac ku yimid heshiis lagu waday in ay Dowladda Somaliya la saxiixato laba shirkadood, si ay sahmin shidaal, baaris iyo qodisba uga sameeyaan dalka.

    Heshiiska shidaalka oo shalay illaa maanta la fillaayay in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay, ka dib markii ay soo baxeen arrimo aan lagu sii tala-gelin.

    Dowladda Somaliya ayaa heshiiskan la galeysay labada shirkadood oo dibadda laga leeyahay, laguna kala magacaabo Coastline iyo Liberty.

    Madaxda labada shirkadood oo maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib uga dhoofay, sida ay wararku sheegayaan.

    Waxaa soo baxaya warar sheegaya in khubaro ka tirsan Baanka Adduunka ay walaac ka muujiyeen inaan heshiiska loo marin xeerka qandaraasyada lagu bixiyo, dowladana ay dib isugu laabatay, si la isku waafajiyo shuruucdaas iyo hannaankii la rabay in loo maro.

    Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Axadii si weyn uga horyimid heshiiska la fillayay in Dowladda Federaalka ay Magaalada Muqdisho kula saxiixato shirkadahaasi shisheeye.

    Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sababeeyay sababta ay u diidan yihiin heshiiska uu Golaha Midowga Musharaxiinta sheegay in ay Dowladda Federaalka dooneyso inay la gasho labaasi shirkadood.

    “Walaaca noo muuqdo wuxuu yahay, xog waxaan helnay in Wasaaradda Batroolka ee Dowladda Federaalka ay dooneyso inay heshiis la gasho laba shirkadood, heshiiskaasoo la xiriira ruqsad siin ay ku bixineyso ruqsad baaris shidaal lagu sameynayo dalka meelo ka mida, arrintaasaa walwal iyo walaac weyn aan ka qabnaa, saasaana ku soo saarnay qoraalka aan la wadaagnay dadka Soomaaliyeed iyo shirkadihii ay arrintaan quseysay, intaba. Sharciyada shidaalka iyo hannaankiisa ma dhameystirna, sidaad la socotaan sharciga wadaagga khayraadka weli lagama heshiinin, sharciga canshuuraha la xiriira wixii ka soo baxa khayraadka dabiiciga weli ma dhameystirna, sharciga iibka shidaalka isna ma dhameystirna. Marka sharciyadii la xiriiray shidaalka hay’adda waad la socotaan xukuumaddii xil gaarsiinta Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed uu sii haayay ayaa lagu ansixiyay oo sharci darro ayay ahayd oo ma haysanin xukuumadaas kalsoonida Baarlamaanka. Waxa dhan ayaa (kow) sharci darro ku dhisan, (Labo) waxaan sharki weyn ka qabnaa xilliga lagu soo aadiyay, iyadoo dhawr iyo afartan maalmood ay ka harsan tahay xilka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la yiraahdo shirkado shidaal ayaa heshiisyo lala gelayaa waqtiga aadka u kooban ee ka dhiman muddo xileedkii Madaxweynaha iyo Hay’adaha Dastuuriga, Baarlamaanka tiisiina ay dhammaatay. Waxaan u aragnaa maslaxo qaas ah oo ololaha doorashada lagu gelaayo inay tahay, hantina looga raadinayo shirkadahaasi. Marka anaga walwalkaasaa qabnaa, waana ka digeynaa, Madaxweynahana qoraalaa u dirnay, shirkadaha arrintaas raba inay galaana qoraalaa u dirnay.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo la hadlay BBC.

    Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com



    Source link

    Admin

    See author's posts

    Admin

    Admin

    Related Posts

    Madaxweyne Farmaajo oo 4-ta bishan martigelinaya munaasabad lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka

    March 1, 2021
    0

    Macluumaad la xiriira dilka Wariye Jamaal Faarax loogu gaystay Gaalkacyo

    March 1, 2021
    0

    Rooble oo magacaabay guddiyo ka shaqeeya bannaanbaxyada (SAWIRRO)

    March 1, 2021
    0

    Ra’iisal Wasaare Rooble oo maanta kulan la leh Midowga Musharaxiinta

    March 1, 2021
    0

    SAWIRRO: Saraakiisha Guutada 14-ka October oo la siinayo tababar la xiriira miinooyinka

    March 1, 2021
    0

    Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay xaaladda dalka iyo waxa uu Farmaajo ku soo kordhiyay

    March 1, 2021
    0

    Stay Connected test

    • 81 Followers
    • 103k Subscribers
    • 22.9k Followers
    • 99 Subscribers
    • Trending
    • Comments
    • Latest

    Doctors take inspiration from online dating to build organ transplant AI

    August 25, 2020

    Sevilla: Jules Koundé positive for coronavirus

    October 16, 2020

    DEG DEG:-MD Farmaajo, Mursal & Rooble Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Villa Somalia Iyo Nisa Oo War..

    October 14, 2020

    (Sawirro) RW Rooble oo sheegay in Xukuumadiisu ahmiyad gaar ah siinayso dhamaystirka..

    October 14, 2020

    Game of Thrones spending just as long making fewer episodes

    0

    With 150 million daily active users, Instagram Stories is launching ads

    0

    Washington prepares for Donald Trump’s big moment

    0

    CS:GO ELeague Major pools and tournament schedule announced

    0

    Barnaamijka Kulanka KNN (01-03-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 2, 2021

    Madaxweyne Farmaajo oo 4-ta bishan martigelinaya munaasabad lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka

    March 1, 2021

    WARKA HABEEN 8:00PM (01-03-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 1, 2021

    Macluumaad la xiriira dilka Wariye Jamaal Faarax loogu gaystay Gaalkacyo

    March 1, 2021

    Recent News

    Barnaamijka Kulanka KNN (01-03-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 2, 2021
    0

    Madaxweyne Farmaajo oo 4-ta bishan martigelinaya munaasabad lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka

    March 1, 2021
    0

    WARKA HABEEN 8:00PM (01-03-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 1, 2021
    0

    Macluumaad la xiriira dilka Wariye Jamaal Faarax loogu gaystay Gaalkacyo

    March 1, 2021
    0
    ADVERTISEMENT
    AfmoNews

    Afmo News www.afmonews.com is an independent Somali News site owned by Somali World News. Established in 2020 by Somali journalist, Afmo News is the World News site as of April 2020. Afmo News covers all the latest headlines in Somali news, politics and society.

    Follow Us

    Browse by Category

    • Apps
    • Business
    • Entertainment
    • Fashion
    • Food
    • Gadget
    • Gaming
    • HEALTH
    • Health
    • Lifestyle
    • LOVE STORY´S
    • Mobile
    • Movie
    • MOVIE & TV
    • Music
    • News
    • Politics
    • Review
    • Science
    • SCIENCES
    • SOMALI NEWS
    • Sports
    • Startup
    • TECH
    • Tech
    • Travel
    • Uncategorized
    • World

    Recent News

    Barnaamijka Kulanka KNN (01-03-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 2, 2021

    Madaxweyne Farmaajo oo 4-ta bishan martigelinaya munaasabad lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka

    March 1, 2021
    • About
    • Advertise
    • Privacy & Policy
    • Contact

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • News
    • Tech
    • Entertainment
    • Lifestyle
    • Review
    • Politics

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    Login to your account below

    Forgotten Password?

    Fill the forms bellow to register

    All fields are required. Log In

    Retrieve your password

    Please enter your username or email address to reset your password.

    Log In
    This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.
    • English
    • Somali (Somali)
    • Deutsch (German)