[google-translator]
    AfmoNews
    Advertisement
    No Result
    View All Result
    No Result
    View All Result
    AfmoNews
    No Result
    View All Result
    Home News

    Jubbaland oo sheegtay in la baarayo dhacdadii uu ku dhintay Cawil Buluq

    Admin by Admin
    January 24, 2021
    in News, Politics
    0 0
    0
    0
    SHARES
    5
    VIEWS
    Share on FacebookShare on Twitter



    Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray dhacdadii caawa ka dhacday Magaalada Kismaayo, ee lagu dilay Maareeyihii hore ee Dekedda Kismaayo, Cawil Cali Barre (Cali Buluq), iyadoona shacabka reer Jubbaland uga tacsiyadeysay geerida ku timid.

    Maareeyaha ayaa ku dhintay is rasaaseyn ka dhacday bar kontorool oo ku yaala afaafka hore ee gurigiisa, xaafadda Guulwade, gaar ahaan agagaarka Warshaddii Hilibka.

    Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in marxuumka uu ahaa masuul ka tirsan Maamulka Jubbaland, isla-markaana uu u dhintay rasaas ka dhacday bar kontorool, oo hoygiisa ku dhow.

    Qoraalka waxaa lagu sheegay in laamaha ammaanka ee Magaalada Kismaayo ay gacanta ku hayaan baaritaanka, waxa keenay is rasaaseyntaasi.

    “Marxuum Cawil Cali Barre oo ahaa masuul ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa u dhintay rasaas ka dhacday bar kontorool u dhow hoyga uu ka deganaa Magaalada Kismaayo. Hay’adaha amniga ee magaalada ayaa ku guda jira baarista waxa sababay rasaastaasi.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

    Qoraalka laguma sheegin cid kale oo wax ku noqotay dhacdadaasi, sidoo kalena kuma cadda haddii gacanta lagu soo dhigay askartii falka gaysatay iyo haddii kalaba.

    Dhinaca kale dadka degan xaafadda Guulwade ayaa ku sheegaya in dilka Maareeyihii hore ee Dekedda Kismaayo uu ahaa mid ay soo qorsheysay Madaxtooyada Jubbaland.

    “Walaal is rasaaseynta waxay bilaabatay mar uu gurigiisa sii gelaayay Maareeyaha, intii ka horeysay wax is rasaaseyn ah meesha kama jirin, labada ciidan ee is rasaaseeyayna way wada jooggeen. Markii uu gaariga Maareeyaha meesha ka gudbay ayay is bareer ah rasaas ugu furayn.” Ayuu yiri goobjooge la hadlay Dhacdo.com.

    Goobjoogaha oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa yiri “Cadayn kale ayaan rabaa inaan ku siiyo ciidamadii la sheegay inay is rasaaseynta dhex martay, hal askari ha noqdeen cid wax kaga noqotay malahan. Maamulkana ma qaadin tallaabo uu ciidamadaasi ku soo xir xiraayo, marka way iska cadahay in Madaxweynaha Jubbaland uu dilka amray, sababtuna ay tahay in Cawil Buluq uu ka carooday dilkii bishii October magaalada loogu gaystay Madaxii Amal Bank ee Gobolada Jubbooyinka, Cabdullaahi Cabdisalaan (Shigshigow), oo uu dilay askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland. Axmed Madoobe iyo isagana muddooyinkanba khilaafkaas waa ka dhex jiray.”

    Allaha u naxariistee Cawil Buqul oo ku heyb ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mid ahaa Saraakiishii beeshaasi ee la safan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

    Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com



    Source link

    Admin

    See author's posts

    Admin

    Admin

    Related Posts

    Wararkii ugu dambeeyay kiisaska COVID-19 ee dalka

    March 3, 2021
    0

    Maxay ka wadahadleen Rooble & ganacsatada Soomaaliyeed? (SAWIRRO)

    March 3, 2021
    0

    RW Rooble oo soo saaray awaamiir lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19

    March 3, 2021
    0

    Puntland oo soo jeedisay in shirka lagu qabto Garoonka Aadan Cadde

    March 3, 2021
    1

    Madaxweyne Deni oo sheegay in khilaafka doorashooyinka xal laga gaarayo

    March 2, 2021
    0

    Midowga Musharaxiinta oo iclaamiyay in 6-da bishan bannaanbax qabanayaan

    March 2, 2021
    0

    Stay Connected test

    • 81 Followers
    • 103k Subscribers
    • 22.9k Followers
    • 99 Subscribers
    • Trending
    • Comments
    • Latest

    Doctors take inspiration from online dating to build organ transplant AI

    August 25, 2020

    Sevilla: Jules Koundé positive for coronavirus

    October 16, 2020

    DEG DEG:-MD Farmaajo, Mursal & Rooble Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Villa Somalia Iyo Nisa Oo War..

    October 14, 2020

    (Sawirro) RW Rooble oo sheegay in Xukuumadiisu ahmiyad gaar ah siinayso dhamaystirka..

    October 14, 2020

    Game of Thrones spending just as long making fewer episodes

    0

    With 150 million daily active users, Instagram Stories is launching ads

    0

    Washington prepares for Donald Trump’s big moment

    0

    CS:GO ELeague Major pools and tournament schedule announced

    0

    Wararkii ugu dambeeyay kiisaska COVID-19 ee dalka

    March 3, 2021

    Maxay ka wadahadleen Rooble & ganacsatada Soomaaliyeed? (SAWIRRO)

    March 3, 2021

    Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray geerida Xildhibaan Casoowe – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 3, 2021

    RW Rooble oo soo saaray awaamiir lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19

    March 3, 2021

    Recent News

    Wararkii ugu dambeeyay kiisaska COVID-19 ee dalka

    March 3, 2021
    0

    Maxay ka wadahadleen Rooble & ganacsatada Soomaaliyeed? (SAWIRRO)

    March 3, 2021
    0

    Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray geerida Xildhibaan Casoowe – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 3, 2021
    0

    RW Rooble oo soo saaray awaamiir lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19

    March 3, 2021
    0
    ADVERTISEMENT
    AfmoNews

    Afmo News www.afmonews.com is an independent Somali News site owned by Somali World News. Established in 2020 by Somali journalist, Afmo News is the World News site as of April 2020. Afmo News covers all the latest headlines in Somali news, politics and society.

    Follow Us

    Browse by Category

    • Apps
    • Business
    • Entertainment
    • Fashion
    • Food
    • Gadget
    • Gaming
    • HEALTH
    • Health
    • Lifestyle
    • LOVE STORY´S
    • Mobile
    • Movie
    • MOVIE & TV
    • Music
    • News
    • Politics
    • Review
    • Science
    • SCIENCES
    • SOMALI NEWS
    • Sports
    • Startup
    • TECH
    • Tech
    • Travel
    • Uncategorized
    • World

    Recent News

    Wararkii ugu dambeeyay kiisaska COVID-19 ee dalka

    March 3, 2021

    Maxay ka wadahadleen Rooble & ganacsatada Soomaaliyeed? (SAWIRRO)

    March 3, 2021
    • About
    • Advertise
    • Privacy & Policy
    • Contact

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • News
    • Tech
    • Entertainment
    • Lifestyle
    • Review
    • Politics

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    Login to your account below

    Forgotten Password?

    Fill the forms bellow to register

    All fields are required. Log In

    Retrieve your password

    Please enter your username or email address to reset your password.

    Log In
    This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.
    • English
    • Somali (Somali)
    • Deutsch (German)