Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta dib uu soo laabtay magaalada Jowhar kadib safar shaqo uu ku joogay magaalada Muqdisho.
Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Maamulka Hirshabelle iyo maamulka gobolka Sh/dhexe.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxa uu kula kulmayaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar Ergeyga gaarka ah ee Wakiilka qaramada midoobay u fadhiya dalka Soomaaliya James Swan.
Kala soco jowhar.com wararka ku saabsan kulanka Madaxweyne Guudlaawe iyo James Swan