[google-translator]
    AfmoNews
    Advertisement
    No Result
    View All Result
    No Result
    View All Result
    AfmoNews
    No Result
    View All Result
    Home News

    Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay shirka Midowga Afrika

    Admin by Admin
    December 6, 2020
    in News, Politics
    0 0
    0
    0
    SHARES
    63
    VIEWS
    Share on FacebookShare on Twitter



    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 14-aad ee aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hirgalay ee dowladdu ay ka qabatay dib u dhiska Ciidamada, dhab u heshiisiinta, adkeynta daris wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

    Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay isgaarsiinta Internetka ayaa soo jeediyey in la xoojiyo qorshaha Midowga Afrika ee Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha iyo hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda.

    “Guud ahaan qaaradda Afrika khilaafyo badan ayaa la xaliyay, caqabadaha aan xalka loo helin ee nabadda iyo amniga ee Afrika waa kuwo curyaamiyey fursadaha dadkeenna. Markii aan dhigno qoryaha oo si xilkasnimo leh u xallinno khilaafaadka waxaan gaaraynaa horumar waara”.

    Sidoo kale, Maaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Midowga Afrika guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay ka soo hoynayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in ay qeyb ka tahay qorshaha Aamusinta Qoriga iyo xaqiijinta xasilloonida qaaradda.

    “Waxaan si buuxda u aaminsanahay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo si wanaagsan u tababaran una qalabaysan ay horseedi karaan amni ay ku diirsadaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka. dalkeenna waxaa saaran cunaqabatayn dhanka hubka ah taas oo caqabad ku ah halgankeenna ku aaddan xoreynta dalka”.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxda dalalka Afrika sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu waayo-arkeen colaadihii sokeeye ee soo maray, dhibaatooyinka aan ka dhaxalnay iyo halgankii soo kabashada dalkeenna.

    Shirkan oo uu guddoomiyey Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa ka qeyb galkiisa waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Mudane Cabdisiciid Maxamed Cali.

    Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com



    Source link

    Admin

    See author's posts

    Admin

    Admin

    Related Posts

    Museveni oo markale ku guuleystey doorashada Madaxtinimada Uganda

    January 17, 2021
    0

    Faah faahin laga helay ujeedka Kulankii Madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Wasiirada Hawiye –

    January 16, 2021
    0

    Thousands in France are protesting against laws that would restrict filming –

    January 16, 2021
    0

    Nearly 50 players lose Australian Open training time due to Covid-19 –

    January 16, 2021
    0

    Maamulka Puntland oo loo gudbiyay qodobo lagu xalinayo Sicir Bararka –

    January 16, 2021
    0

    Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Qadar –

    January 16, 2021
    0

    Stay Connected test

    • 79 Followers
    • 93.2k Subscribers
    • 22.9k Followers
    • 99 Subscribers
    • Trending
    • Comments
    • Latest

    Sevilla: Jules Koundé positive for coronavirus

    October 16, 2020

    Doctors take inspiration from online dating to build organ transplant AI

    August 25, 2020

    Taliyeyaasha Sirdoonka Somalia, Itoobiya & Eritreya oo shir xasaasi ah ku leh Addis ababa

    October 14, 2020

    DEG DEG:-MD Farmaajo, Mursal & Rooble Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Villa Somalia Iyo Nisa Oo War..

    October 14, 2020

    Game of Thrones spending just as long making fewer episodes

    0

    With 150 million daily active users, Instagram Stories is launching ads

    0

    Washington prepares for Donald Trump’s big moment

    0

    CS:GO ELeague Major pools and tournament schedule announced

    0

    Museveni oo markale ku guuleystey doorashada Madaxtinimada Uganda

    January 17, 2021

    Faah faahin laga helay ujeedka Kulankii Madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Wasiirada Hawiye –

    January 16, 2021

    Thousands in France are protesting against laws that would restrict filming –

    January 16, 2021

    Nearly 50 players lose Australian Open training time due to Covid-19 –

    January 16, 2021

    Recent News

    Museveni oo markale ku guuleystey doorashada Madaxtinimada Uganda

    January 17, 2021
    0

    Faah faahin laga helay ujeedka Kulankii Madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Wasiirada Hawiye –

    January 16, 2021
    0

    Thousands in France are protesting against laws that would restrict filming –

    January 16, 2021
    0

    Nearly 50 players lose Australian Open training time due to Covid-19 –

    January 16, 2021
    0
    ADVERTISEMENT
    AfmoNews

    Afmo News www.afmonews.com is an independent Somali News site owned by Somali World News. Established in 2020 by Somali journalist, Afmo News is the World News site as of April 2020. Afmo News covers all the latest headlines in Somali news, politics and society.

    Follow Us

    Browse by Category

    • Apps
    • Business
    • Entertainment
    • Fashion
    • Food
    • Gadget
    • Gaming
    • HEALTH
    • Health
    • Lifestyle
    • LOVE STORY´S
    • Mobile
    • Movie
    • MOVIE & TV
    • Music
    • News
    • Politics
    • Review
    • Science
    • SCIENCES
    • SOMALI NEWS
    • Sports
    • Startup
    • TECH
    • Tech
    • Travel
    • Uncategorized
    • World

    Recent News

    Museveni oo markale ku guuleystey doorashada Madaxtinimada Uganda

    January 17, 2021

    Faah faahin laga helay ujeedka Kulankii Madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Wasiirada Hawiye –

    January 16, 2021
    • About
    • Advertise
    • Privacy & Policy
    • Contact

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • News
    • Tech
    • Entertainment
    • Lifestyle
    • Review
    • Politics

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    Login to your account below

    Forgotten Password?

    Fill the forms bellow to register

    All fields are required. Log In

    Retrieve your password

    Please enter your username or email address to reset your password.

    Log In
    This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.
    • English
    • Somali (Somali)
    • Deutsch (German)