Madaxweynihii Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkaasi iska casilay, iyadoo muddo xileedkiisa waxyar ay ka harsan yihiin.
Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Waare ayuu ku tiigsaday qodobka 52aad ee Dastuurka Maamulka Hirshabelle, kaasi oo qeexaya iscasilaada Madaxweynaha.
Waxa uu soo jeediyay Madaxweyne Waare in hawlaha doorashada dib loo dhigo illaa dowladda Federalka ee hadda joogta waqtigeeda uu dhamaado.
Xildhibaanada 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dhawaan la soo xulay, iyadoo Berri dambe ay dooranayaan Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaasi.
