[google-translator]
    AfmoNews
    Advertisement
    No Result
    View All Result
    No Result
    View All Result
    AfmoNews
    No Result
    View All Result
    Home News

    Muuse Suudi oo dhaliilay Ra’isul Wasaare Rooble, talana u soo jeediyay ciidamada –

    Admin by Admin
    January 11, 2021
    in News, Politics, SOMALI NEWS
    0 0
    0
    0
    SHARES
    3
    VIEWS
    Share on FacebookShare on Twitter



    Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Senatarada Aqalka Sare ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaliyeed inaysan dalkooda burburin oo aan loo isticmaalin in shacabkooda ay laayaan,hase yeeshee waxa uu Xaaji Muuse Suudi si weyn u dhaliilay siyaasada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Muuse Suudi Yalaxow oo maanta ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn ka hadlay arrimaha ciidamada iyadoo dhowaan ay soo baxayeen warar sheegayay in dowlada federalka ay diyaarisay ciidamo ay si gaar ah uga howlgalayaan doorashooyinka dalka.

    Senator Muuse Suudi ayaa sheegay in ciidamada dalka ay yihiin kuwo suga ammanka dalka balse loo baahan yahay inaysan amarada qaldan qaadan oo ay ka fikiraan ficilada ay sameynayaan.

    Xaaji Muuse Suudi ayaa ka digey in ciidamada qaranka loo adeegsado si gaar ah, oo dad gooni ah loo bartilmaameedsado.

    “Dalkan ciidamadiisa ayaa tihiin,marnaba shaqo la’aan idinkuma dhacayso haddii uu farmaajo iska tago,muuse suudi iska tago, idinku waad joogeysaan mushaarna ma weyneysiin, idinka dalka ha burburinina fahad oo qori sitana filan meyno.”ayuu yiri Senatorka oo ka hadlayay in ciidamadu marwalba ay baaqi ahaanayaan haddii maamulku uu isbedelo.

    “Ninka qoriga qaadi karo dalkaan reebta,amarka mid yaan la qaadan ayaa jiro,qofka aad dishaan idinkaa la idinku marqaati furaa,farmaajo diyo idinka bixinayo,haddad wax dishaan dalkiina iyo dadkiina ayaad gubteen.”ayuu sii raaciyay Senatorka.

    Muuse Suudi ayaa si gaar ah waxa uu ula taliyay ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo uu ugaga digey inay degdegaan isagoo xusuusiyay inay wax walba oo dalka ka socda ay ka warhayaan.

    Shirkan jaraa’id ayuu Muuse Suudi si weyn ugu dhaliilay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble isagoo ku tilmaamay inuu yahay Ra’iisul Wasaare hal beel ah.

    Isagoo ka hadlayay doorashada ayuu ku sheegay in labo beel ay doonayaan inay doorasho qabtaan,waxana uu si gaar ah u sheegay in Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku dhowaaqeen doorashada balse madaxdii wakiilada ka ahaa Hirshabelle,Koofurgalbeed iyo gobolka Banaadir aysan ka hadlin wax doorasho ah balse ay ahaayeen kuwo goobjoog ahaa goobtii loogaga dhowaaqayay.

    “Ra’iisul wasaaraheen annaga in uu Hiraab u yahay ra’iisul wasaare uma malaynin balse Soomali oo dhan inuu ra’iisul wasaare u yahay ayaan u malaynaynay,aad ayaan ugu hanweyneyney waa lagu ceymanaa ayaan islahayn laguma cayman.”ayuu yiri Muuse Suudi.



    Source link

    Admin

    See author's posts

    Admin

    Admin

    Related Posts

    Magaalada Muqdisho oo laga dhigey banaanbax looga soo horjeedo dilkii Guddoomiye Dhagajuun –

    January 21, 2021
    0

    Mid ka mida askartii dishay Gudoomiye Dhegajuun oo baxsaday

    January 21, 2021
    0

    Dowlada Ingiriiska oo ugu baaqday Dowlada Federalka in heshiis la gaarto Dowlad goboleedyada –

    January 21, 2021
    0

    Wasiir Beyle oo maanta booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

    January 21, 2021
    1

    Joe Biden oo bilaabay wax ka bedelka siyaasadihii Trump iyo Soomaalida oo soo dhaweysay

    January 21, 2021
    0

    Covid-19 restrictions on staying in place, Macron warns protesting students –

    January 21, 2021
    0

    Stay Connected test

    • 79 Followers
    • 93.2k Subscribers
    • 22.9k Followers
    • 99 Subscribers
    • Trending
    • Comments
    • Latest

    Sevilla: Jules Koundé positive for coronavirus

    October 16, 2020

    Doctors take inspiration from online dating to build organ transplant AI

    August 25, 2020

    DEG DEG:-MD Farmaajo, Mursal & Rooble Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Villa Somalia Iyo Nisa Oo War..

    October 14, 2020

    Taliyeyaasha Sirdoonka Somalia, Itoobiya & Eritreya oo shir xasaasi ah ku leh Addis ababa

    October 14, 2020

    Game of Thrones spending just as long making fewer episodes

    0

    With 150 million daily active users, Instagram Stories is launching ads

    0

    Washington prepares for Donald Trump’s big moment

    0

    CS:GO ELeague Major pools and tournament schedule announced

    0

    Magaalada Muqdisho oo laga dhigey banaanbax looga soo horjeedo dilkii Guddoomiye Dhagajuun –

    January 21, 2021

    Mid ka mida askartii dishay Gudoomiye Dhegajuun oo baxsaday

    January 21, 2021

    Dowlada Ingiriiska oo ugu baaqday Dowlada Federalka in heshiis la gaarto Dowlad goboleedyada –

    January 21, 2021

    Wasiir Beyle oo maanta booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

    January 21, 2021

    Recent News

    Magaalada Muqdisho oo laga dhigey banaanbax looga soo horjeedo dilkii Guddoomiye Dhagajuun –

    January 21, 2021
    0

    Mid ka mida askartii dishay Gudoomiye Dhegajuun oo baxsaday

    January 21, 2021
    0

    Dowlada Ingiriiska oo ugu baaqday Dowlada Federalka in heshiis la gaarto Dowlad goboleedyada –

    January 21, 2021
    0

    Wasiir Beyle oo maanta booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

    January 21, 2021
    1
    ADVERTISEMENT
    AfmoNews

    Afmo News www.afmonews.com is an independent Somali News site owned by Somali World News. Established in 2020 by Somali journalist, Afmo News is the World News site as of April 2020. Afmo News covers all the latest headlines in Somali news, politics and society.

    Follow Us

    Browse by Category

    • Apps
    • Business
    • Entertainment
    • Fashion
    • Food
    • Gadget
    • Gaming
    • HEALTH
    • Health
    • Lifestyle
    • LOVE STORY´S
    • Mobile
    • Movie
    • MOVIE & TV
    • Music
    • News
    • Politics
    • Review
    • Science
    • SCIENCES
    • SOMALI NEWS
    • Sports
    • Startup
    • TECH
    • Tech
    • Travel
    • Uncategorized
    • World

    Recent News

    Magaalada Muqdisho oo laga dhigey banaanbax looga soo horjeedo dilkii Guddoomiye Dhagajuun –

    January 21, 2021

    Mid ka mida askartii dishay Gudoomiye Dhegajuun oo baxsaday

    January 21, 2021
    • About
    • Advertise
    • Privacy & Policy
    • Contact

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • News
    • Tech
    • Entertainment
    • Lifestyle
    • Review
    • Politics

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    Login to your account below

    Forgotten Password?

    Fill the forms bellow to register

    All fields are required. Log In

    Retrieve your password

    Please enter your username or email address to reset your password.

    Log In
    This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.
    • English
    • Somali (Somali)
    • Deutsch (German)