Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaa halkaasi ka dhacay Qarax ismiidaamin ahaa.
Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay goob ay ka socotay soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble, halkaasi oo ah Garoonia Cabdulaahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo.
Ruux waxyaabaha Qarxa isku soo xiray ayaa la sheegay inuu isku dayay irida Garoonka inuu ka galo, balse Ciidamada illaalada Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi ku joojiyay, iyadoo ninkii uu halkaasi isku qarxiyay.
Waxaa jira Khasaare ka dhashay Qaraxaasi ismiidaaminta ah ee uu fuliyay ruuxaasi naftiis haliga ah ee beegsaday goobta lagu soo dhaweynaayay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Ciidamada ammaanka ayaa furay rasaas badan, waxaana socota gurmadka dadkii dhibaatada soo gaartay oo Ciidan & shacab isugu jira.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com