[google-translator]
    AfmoNews
    Advertisement
    No Result
    View All Result
    No Result
    View All Result
    AfmoNews
    No Result
    View All Result
    Home News

    Qoorqoor oo ku dhawaaqay inuu fashilmay dadaaladii u waday iyo eedda oo uu saaray Puntland iyo Jubbaland –

    Admin by Admin
    January 9, 2021
    in News, Politics, SOMALI NEWS
    0 0
    0
    0
    SHARES
    9
    VIEWS
    Share on FacebookShare on Twitter



    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay inuu fashilmay dadaalkii uu ka dhex waday Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo kuwa Federaalka ah, isaga oo eedda u jaleeciyay Puntland iyo Jubbaland oo uu sheegay in aysan ka soo jawaabin arrimo laga sugayay, inkastoo uusan sheegin arrinta waxa ay aheyd.

    “Waa muhim in la helo macluumaad howshii socotay baryahan, sidaad la socotaan waxaa jiray dadaalo todobaadyadii la soo dhaafay socday oo aan ku tagay magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Muqdisho, Si la isugu soo dhaweeyo aragtiyada kala duwan ee laga qabo sidii doorashooyinka dalka horay loogu sii wadi lahaa, aniga oo taas ka duulay waxaan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ka codsaday in muddo gaaban dib u dhigaan jadwalka doorashooyinka si fursad loo siiyo xalinta tabashooyinka ay qabaan Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta kale”ayuu yiri

    Madaxweyne Qoorqoor oo sii hadlayay aya ayiri “Waxaa wada hadalo la yeeshay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxaan uga mahadcelinayaa iney iga aqbaleen inaan kawada shaqeyno sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay ee Doorashooyinka ee ku qabsoomi lahaa waqtigeeda. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Denni oo runtii ila qaadanay xal u helista arrimaha lagu kala duwan yahay.

    Madaxweyne Qoorqoor wuxuu kaloo sheegay in uu gudanayay waajibaad mas’uuliyadeed sida uu sheegay isaga oo ka duulayay goglihii Dhuusamareeb oo asalka heshiiska doorashada aheyd, wuxuu eedda si farsameysan ugu jeediyay Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

    “Markii Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo dhinacyada kale aan isbuucii lasoo dhaafay ku shirnay Garowe, waxey si sharaf leh iigaga aqbaleen dhexdhexaadintii aan u istaagnay waxeyna iisoo dhiibeen qodobo sida soomaalida la wada socoto seddex ah, oo ay ka dalbanayaan Madaxda DF iyo dhinacyada kale iney fuliyaan si loo soo afjaro tabashada ay ka qabaa arrimaha Doorashooyinka. Kabid waxaan kusoo laabtay Muqdisho aniga oo shirar la galay Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS intaas kadib waxaan dib ugu celiyay Madaxweyne Saciid Denni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dhinacyadii kale ee tabashada qabay go’aankii Madaxda Federaalka ee ku saabsanaa Doorashooyinka si isgoyska haatan la taagan yahay looga dhaqaaqo, dalkana ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku qabsoonta waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in aysan wali wax jawaab ah ka soo noqon saaxiibadeey Madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo dhinacyadii kale, dhexdhexaadintii aan halkaan u imid iyo natiijadii wanaagsaneyd iyo tanaasulkii ay muujiyeen Madaxda qaranka, waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed iyo inta doorashooyinka daneyneysa halkaan kala wadaago, in Dowlad Goboleedka Galmudug ay sameysay intii karaankeeda ah sidii dalkaa lagu gaarsiin lahaa hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay si horay loogusii wado dowlad dhisidda dimoqraadiyeynta dalka aanan laga lumin waqti dambe oo dheeraad ah waddan si doorashada ay ugu dhacdo waqtigeedii.



    Source link

    Admin

    See author's posts

    Admin

    Admin

    Related Posts

    WARKA HABEEN 8:00PM (04-03-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    0

    Barnaamijka Tala Wadaag Qeybtiisa Siyaasadda {04-03-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    0

    Bar Xog Wareysi {04-03-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    0

    Shirkii RW Rooble iyo Musharrixiinta oo furmay – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    0

    QM oo sheegtay in ‘G.Tigrey ay ka dhaceen Falal noqon kara dambiyo’ – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    0

    Beesha Caalamka iyo musharixiinta oo ka shiray khilaafka doorashada – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    0

    Stay Connected test

    • 81 Followers
    • 103k Subscribers
    • 22.9k Followers
    • 99 Subscribers
    • Trending
    • Comments
    • Latest

    Doctors take inspiration from online dating to build organ transplant AI

    August 25, 2020

    Sevilla: Jules Koundé positive for coronavirus

    October 16, 2020

    DEG DEG:-MD Farmaajo, Mursal & Rooble Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Villa Somalia Iyo Nisa Oo War..

    October 14, 2020

    (Sawirro) RW Rooble oo sheegay in Xukuumadiisu ahmiyad gaar ah siinayso dhamaystirka..

    October 14, 2020

    Game of Thrones spending just as long making fewer episodes

    0

    With 150 million daily active users, Instagram Stories is launching ads

    0

    Washington prepares for Donald Trump’s big moment

    0

    CS:GO ELeague Major pools and tournament schedule announced

    0

    WARKA HABEEN 8:00PM (04-03-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021

    Barnaamijka Tala Wadaag Qeybtiisa Siyaasadda {04-03-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021

    Bar Xog Wareysi {04-03-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021

    Shirkii RW Rooble iyo Musharrixiinta oo furmay – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021

    Recent News

    WARKA HABEEN 8:00PM (04-03-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    0

    Barnaamijka Tala Wadaag Qeybtiisa Siyaasadda {04-03-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    0

    Bar Xog Wareysi {04-03-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    0

    Shirkii RW Rooble iyo Musharrixiinta oo furmay – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    0
    ADVERTISEMENT
    AfmoNews

    Afmo News www.afmonews.com is an independent Somali News site owned by Somali World News. Established in 2020 by Somali journalist, Afmo News is the World News site as of April 2020. Afmo News covers all the latest headlines in Somali news, politics and society.

    Follow Us

    Browse by Category

    • Apps
    • Business
    • Entertainment
    • Fashion
    • Food
    • Gadget
    • Gaming
    • HEALTH
    • Health
    • Lifestyle
    • LOVE STORY´S
    • Mobile
    • Movie
    • MOVIE & TV
    • Music
    • News
    • Politics
    • Review
    • Science
    • SCIENCES
    • SOMALI NEWS
    • Sports
    • Startup
    • TECH
    • Tech
    • Travel
    • Uncategorized
    • World

    Recent News

    WARKA HABEEN 8:00PM (04-03-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021

    Barnaamijka Tala Wadaag Qeybtiisa Siyaasadda {04-03-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    March 4, 2021
    • About
    • Advertise
    • Privacy & Policy
    • Contact

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • News
    • Tech
    • Entertainment
    • Lifestyle
    • Review
    • Politics

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    Login to your account below

    Forgotten Password?

    Fill the forms bellow to register

    All fields are required. Log In

    Retrieve your password

    Please enter your username or email address to reset your password.

    Log In
    This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.
    • English
    • Somali (Somali)
    • Deutsch (German)