[google-translator]
    AfmoNews
    Advertisement
    No Result
    View All Result
    No Result
    View All Result
    AfmoNews
    No Result
    View All Result
    Home News

    Rooble oo dabacsanaan u muujiyay siyaasiyiinta mucaaradka

    Admin by Admin
    December 28, 2020
    in News, Politics
    0 0
    0
    0
    SHARES
    23
    VIEWS
    Share on FacebookShare on Twitter



    Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeedba inay is dejiyaan, diyaarna uu u yahay inuu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta geedi-socodka arrimaha doorashooyinka ee dalka.

    Ra’iisal Wasaaraha oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa marka hore faah faahiyay kulamo uu la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Ururada Bulshada.

    “Waxaan rabaa halkaan inaan uga sheego shacabka Soomaaliyeed in aan hadda ka soo baxay shir aan la yeeshay Beesha Caalamka, Safiiradeeda kala duwan ee u joogga Somaliya. Waxaan ka wadahadalnay waxyaabihii noo qabsoomay, doorashada heerka ay mareyso iyo sida aan u daadihin lahayn, loona gaari lahaa doorasho. Waxaan kaloo ka wadahadalnay sidii loo dardargelin lahaa doorashadan, loona gaari lahaa hadafka ah inay dalka ka dhacdo doorasho.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

    Ra’iisal Wasaaraha ayaa yiri “Sidoo kale waxaa jirtay in aan Sabtidii la kulmay Ururada Bulshada, Culima’udiinka, haweenka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed, shirkaas oo aan kaga hadalnay arrimaha doorashooyinka, iyagoona ii sheegay inay la kulmeen walaalahayaga qaybahooda kala duwan ee daneynaya inay ka qaybgalaan doorashada madaxweynenimada. Si saraaxad leh oo wanaagsan ayaan uga doodnay, iskuna qancinay, waxaana isku afgaranay dhammaanteenba in aan loo baahnayn wax dalkan dhibaato gelinayo ama xasilooni darro gelinayo inaan lagu dhaqaaqin oo shacabka masaakiinta ah loo naxo.”

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan kaloo isku afgaranay in wadahadaladeena ay socdaan, joogtana ay yihiin, gaar ahaan anigana aan u sheegay markasta Culima’udiinka, Ururada Bulshada iyo haweenkaba inaan diyaar u ahay inay ii yimaadaan, qof kastoo daneynaya ama cabasha qaba, sidoo kalana aan u sheegay inay ila fariistaan, diyaarna u ahay inaan cabashadooda xaliyo, haddii ay ahaan laheyd doorashada, mid guud iyo mid gaar ahaaneydba.”

    Waxa uu intaa ku daray “Sidaa darteed shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa is dejiya, aniga oo masuul ka ah xukuumadda, Ra’iisal Wasaarahana ka ah waxaan idin sheegayaa inaan diyaar u ahay inaan qof kasta qaabilo, kalana hadlo wixii caqabad ah ama cabasho ah ay dareemayaan inay jirto.”

    Rooble ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu yeeray inay is dejiyaan, isla-markaana uu xafiiskiisa u furan yahay cid kasta oo tabasho ka qabta arrimaha doorashooyinka.

    “Sidoo kale waxaan leeyahay dadka walaalahayaga oo tabaya ama qaba cabasho ku saabsan arrimaha doorashada in uu u furanyahay xafiiskeyga, albaabkeyga iyo wejigeyga, diyaarna aan u ahay inaan idin qaabilo. Anigoo diyaar u ah sidoo kale cabashadiina inaaan tixgeliyo, idinkala fadhiisto oo aan xal waara ka gaarno, waxaan leeyahay is dejiya.” Ayuu yiri Rooble.

    Hadalka ka soo yeeray Rooble ayaa ku soo aadaya, xilli Golaha Midowga Musharaxiinta ay Arbacadii si weyn uga horyimaadeen Jadwalka Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Aqal, ee ay soo saareen Guddiyada Doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

    Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com



    Source link

    Admin

    See author's posts

    Admin

    Admin

    Related Posts

    Mid ka mida askartii dishay Gudoomiye Dhegajuun oo baxsaday

    January 21, 2021
    0

    Dowlada Ingiriiska oo ugu baaqday Dowlada Federalka in heshiis la gaarto Dowlad goboleedyada –

    January 21, 2021
    0

    Wasiir Beyle oo maanta booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

    January 21, 2021
    1

    Joe Biden oo bilaabay wax ka bedelka siyaasadihii Trump iyo Soomaalida oo soo dhaweysay

    January 21, 2021
    0

    Covid-19 restrictions on staying in place, Macron warns protesting students –

    January 21, 2021
    0

    R/wasaare Rooble amar siiyay laamaha ammaanka (SAWIRRO)

    January 21, 2021
    0

    Stay Connected test

    • 79 Followers
    • 93.2k Subscribers
    • 22.9k Followers
    • 99 Subscribers
    • Trending
    • Comments
    • Latest

    Sevilla: Jules Koundé positive for coronavirus

    October 16, 2020

    Doctors take inspiration from online dating to build organ transplant AI

    August 25, 2020

    DEG DEG:-MD Farmaajo, Mursal & Rooble Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Villa Somalia Iyo Nisa Oo War..

    October 14, 2020

    Taliyeyaasha Sirdoonka Somalia, Itoobiya & Eritreya oo shir xasaasi ah ku leh Addis ababa

    October 14, 2020

    Game of Thrones spending just as long making fewer episodes

    0

    With 150 million daily active users, Instagram Stories is launching ads

    0

    Washington prepares for Donald Trump’s big moment

    0

    CS:GO ELeague Major pools and tournament schedule announced

    0

    Mid ka mida askartii dishay Gudoomiye Dhegajuun oo baxsaday

    January 21, 2021

    Dowlada Ingiriiska oo ugu baaqday Dowlada Federalka in heshiis la gaarto Dowlad goboleedyada –

    January 21, 2021

    Wasiir Beyle oo maanta booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

    January 21, 2021

    Joe Biden oo bilaabay wax ka bedelka siyaasadihii Trump iyo Soomaalida oo soo dhaweysay

    January 21, 2021

    Recent News

    Mid ka mida askartii dishay Gudoomiye Dhegajuun oo baxsaday

    January 21, 2021
    0

    Dowlada Ingiriiska oo ugu baaqday Dowlada Federalka in heshiis la gaarto Dowlad goboleedyada –

    January 21, 2021
    0

    Wasiir Beyle oo maanta booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

    January 21, 2021
    1

    Joe Biden oo bilaabay wax ka bedelka siyaasadihii Trump iyo Soomaalida oo soo dhaweysay

    January 21, 2021
    0
    ADVERTISEMENT
    AfmoNews

    Afmo News www.afmonews.com is an independent Somali News site owned by Somali World News. Established in 2020 by Somali journalist, Afmo News is the World News site as of April 2020. Afmo News covers all the latest headlines in Somali news, politics and society.

    Follow Us

    Browse by Category

    • Apps
    • Business
    • Entertainment
    • Fashion
    • Food
    • Gadget
    • Gaming
    • HEALTH
    • Health
    • Lifestyle
    • LOVE STORY´S
    • Mobile
    • Movie
    • MOVIE & TV
    • Music
    • News
    • Politics
    • Review
    • Science
    • SCIENCES
    • SOMALI NEWS
    • Sports
    • Startup
    • TECH
    • Tech
    • Travel
    • Uncategorized
    • World

    Recent News

    Mid ka mida askartii dishay Gudoomiye Dhegajuun oo baxsaday

    January 21, 2021

    Dowlada Ingiriiska oo ugu baaqday Dowlada Federalka in heshiis la gaarto Dowlad goboleedyada –

    January 21, 2021
    • About
    • Advertise
    • Privacy & Policy
    • Contact

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • News
    • Tech
    • Entertainment
    • Lifestyle
    • Review
    • Politics

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    Login to your account below

    Forgotten Password?

    Fill the forms bellow to register

    All fields are required. Log In

    Retrieve your password

    Please enter your username or email address to reset your password.

    Log In
    This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.
    • English
    • Somali (Somali)
    • Deutsch (German)