[google-translator]
    AfmoNews
    Advertisement
    No Result
    View All Result
    No Result
    View All Result
    AfmoNews
    No Result
    View All Result
    Home News

    Shabaab oo markale lagu jebiyay deegaanka Bacaadweyne, xilli ay weerareen

    Admin by Admin
    January 25, 2021
    in News, Politics
    0 0
    0
    0
    SHARES
    1
    VIEWS
    Share on FacebookShare on Twitter



    Dagaal dhawr saacadood qaatay oo hubka noocyadiisa kala duwana leesku adeegsaday ayaa maanta ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

    Dagaalka ayaa bilowday, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay weerar madaafiic ah ku soo qaadeen deegaanka Bacaadweyne, xilli ay ku sugnaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug, Cabdullaahi Xirsi Maxamed.

    Mid ka mida dadka deegaanka oo hadlay Dhacdo.com ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu yiri “Labadii duhurnimo ayay hoobiyaha bilowdeen, Senator Cabdi Qaybdiid, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaamka Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa markaas magaalada yimid. Iyadoo qadadii loo fadhiyo, loona ballansanaa in bulshada lagula hadlo bartamaha magaalada ayay nimankii hoobiyaha soo tuureen. Cid wax ku noqotay ma jirto, marka laga reebo burbur ka soo gaaray Dugsi Qur’aan.”

    “Ileen markaas nimankii duulaan ayayba soo ahaayeen. Ciidamada oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa ku baxay meeshii hoobiyaha laga soo tuuray, wax yar markii ay sii socdeen ayay nimankii indhaha isa saareen, dagaal culus ayaana meesha ka bilowday.”

    “Dagaalka bilowgiisii horeba nimankii waa lagu jebiyay gadaal ayayna u carareen, illaa afka hore ee Cammaara laga gaarayay nimankii waala baacsanayay. Cammaara oo illaa 9km u jirta Bacaadweyne waxaa fariisin ku leh Shabaab, kuwii meesha joogay ayaa dagaalka ku soo biiray, markale ayuu dagaalkii laba lixaadsaday, dagaal aan waxba leeska reeban baa meesha ka dhacay.”

    “Waxaan idin xaqiijinaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay aagga Cammaara oo waa leesku gabal dhacsaday, illaa Cishihii caawana xabadda way socotay, wixii ka dambeeyayna dhaawacyadii ayaa la kala gurtay.”

    “Ciidamada Galmudug iyo dadka deegaanka waxaa dagaalka kaga dhintay sagaal qof, lix dadka deegaanka ah iyo saddex askari, dhaawacana waa afar iyo toban qof. Dhanka Shabaabka dhimashada soddon nin way ka badan tahay, dhaawacana warkiisaba haba sheegin. Cid kale iska dhaaf aniga ayaaba kor tagay in ka badan soddon meydadkooda ah. Meydadkoodu waxay daadsan yihiin duleedyada Cammaara.”

    Dhanka kale warsaxaafadeed caawa ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu yiri “Galmudug waxa ka qodan khabuuraha Khawaarijta.”

    Waa markii labaad oo maleeshiyada Al Shabaab lagu jebiyo dagaal ay ku qaadeen Bacaadweyne, muddo laba bil gudahood. Dagaalkii ugu dambeeyay oo maleeshiyaad fara-badan looga laayayna waxaa uu dhacay 30-kii bishii November.

    Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com



    Source link

    Admin

    See author's posts

    Admin

    Admin

    Related Posts

    Maxaa ka cusub xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay?

    March 1, 2021
    1

    Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga oo ka badbaaday qaraxii Muqdisho

    February 28, 2021
    0

    Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Degmada Hodan

    February 28, 2021
    0

    Qin Jian: Somaliya waxaa ku nool dad yar, balse leh dhul ballaaran iyo khayraad dabiici ah

    February 28, 2021
    0

    Xaaladdii ugu adkeyd oo ka taagan Degmada Ceelwaaq (SAWIRRO)

    February 28, 2021
    0

    Dadka qaba COVID-19 oo buux-dhaafshay isbitaalada Muqdisho

    February 28, 2021
    0

    Stay Connected test

    • 81 Followers
    • 103k Subscribers
    • 22.9k Followers
    • 99 Subscribers
    • Trending
    • Comments
    • Latest

    Doctors take inspiration from online dating to build organ transplant AI

    August 25, 2020

    Sevilla: Jules Koundé positive for coronavirus

    October 16, 2020

    DEG DEG:-MD Farmaajo, Mursal & Rooble Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Villa Somalia Iyo Nisa Oo War..

    October 14, 2020

    (Sawirro) RW Rooble oo sheegay in Xukuumadiisu ahmiyad gaar ah siinayso dhamaystirka..

    October 14, 2020

    Game of Thrones spending just as long making fewer episodes

    0

    With 150 million daily active users, Instagram Stories is launching ads

    0

    Washington prepares for Donald Trump’s big moment

    0

    CS:GO ELeague Major pools and tournament schedule announced

    0

    Maxaa ka cusub xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay?

    March 1, 2021

    WARKA HABEEN 8:00PM (28-02-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021

    Bar Xog Wareysi {28-02-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021

    Barnaamijka Tala Wadaag Qeybtiisa Caafimaadka {28-02-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021

    Recent News

    Maxaa ka cusub xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay?

    March 1, 2021
    1

    WARKA HABEEN 8:00PM (28-02-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021
    0

    Bar Xog Wareysi {28-02-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021
    1

    Barnaamijka Tala Wadaag Qeybtiisa Caafimaadka {28-02-2021} – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021
    1
    ADVERTISEMENT
    AfmoNews

    Afmo News www.afmonews.com is an independent Somali News site owned by Somali World News. Established in 2020 by Somali journalist, Afmo News is the World News site as of April 2020. Afmo News covers all the latest headlines in Somali news, politics and society.

    Follow Us

    Browse by Category

    • Apps
    • Business
    • Entertainment
    • Fashion
    • Food
    • Gadget
    • Gaming
    • HEALTH
    • Health
    • Lifestyle
    • LOVE STORY´S
    • Mobile
    • Movie
    • MOVIE & TV
    • Music
    • News
    • Politics
    • Review
    • Science
    • SCIENCES
    • SOMALI NEWS
    • Sports
    • Startup
    • TECH
    • Tech
    • Travel
    • Uncategorized
    • World

    Recent News

    Maxaa ka cusub xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay?

    March 1, 2021

    WARKA HABEEN 8:00PM (28-02-2021) – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

    February 28, 2021
    • About
    • Advertise
    • Privacy & Policy
    • Contact

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • News
    • Tech
    • Entertainment
    • Lifestyle
    • Review
    • Politics

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    Login to your account below

    Forgotten Password?

    Fill the forms bellow to register

    All fields are required. Log In

    Retrieve your password

    Please enter your username or email address to reset your password.

    Log In
    This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.
    • English
    • Somali (Somali)
    • Deutsch (German)