Madaxweynihii hore ee Somaliya Ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed & Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, waxaana si gaar ah Safarkiisa ugu wehliya Xuseen Cabdi Xalane oo ah Xoghayaha Midowga musharaxiinta.
Sida qorshaha uu yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa ku hooyan doona Magaalada Baydhabo, halkaasi uu kula kulmi doono Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Musharaxiinta ayaa wada qorshooyin kala duwan oo ay kula kulmayaan Madax maamul goboledyada si taageero uga helaan.