Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay inay wadaan howlgallo lagu baadigoobayo dadkii ka dambeeyay dilkii maalin ka hor loogu geystay Gobolka Galgaduud Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.
Taliye Odawaa ayaa sheegay in aan falkaas lala xiririn karin arrin qabiil, balse ay rumeysan yihiin inuu ka mid yahay falalkii ay dadka ku leyn jireen Argagixisada sida uu hadalka u dhigay.
“Looma nisbeyn karo qabiil iyo cid gaar ah, waa fal ka mid ah falalka ay fuliyaan Argagixisada ee lagu yaqiinay in dhiibba umadda Soomaaliyeed iyagoo aan kala fiirin jirin ay ku daadin jireen”ayuu yiri Jen. Odawaa.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa xusay in ciidamada ay waajibaad qayaxan u heystaan meel alla meesha ay galaan loogu daba geli doono kooxihii ka dambeeyay falkii lagu dilay Saraakiisha, isla markaana ka dalbaday shacabka in aysan marnaba helin dadkaas gabaad.
Falkii maalin ka hor lagu laayay illaa lix sarkaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa lala xiriirinayaa inuu yahay arrimo qabiil, ayna weerarkaas fuliyeen maleeshiyo beeleed.