[google-translator]
    AfmoNews
    Advertisement
    No Result
    View All Result
    No Result
    View All Result
    AfmoNews
    No Result
    View All Result
    Home News

    Twitterka oo xayiraada ka qaaday Madaxweyne Trump –

    Admin by Admin
    January 8, 2021
    in News, Politics, SOMALI NEWS
    0 0
    0
    0
    SHARES
    9
    VIEWS
    Share on FacebookShare on Twitter



    Shirkadda Twitterka ayaa bilowday inay ka qaado xayiraada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kadib markii taageerayaashiisa ay xoog ku galeen Aqalka Congresska.
    Madaxweynaha ayaa sheegay inuu neceb yahay shirkadaha teknolojiyadda ee waaweyn. Haddana wuxuu jeclaa isticmaalka Twitter-ka.

    Wuxuu in ka badan 10 sano u adeegsan jiray aalad uu ku baal maro warbaahinta uuna si toos ah ugala hadlo codbixiyeyaasha.

    Waxaan shaki ku jirin in sidoo kale uu Twitter ka faa’iiday Madaxweyne Trump, in bartaasi ay noqoto meel loo aado wararkii ugu dambeeyay ee ninka ugu awoodda badan dunida.
    Muddadaas tobanka sano jirsatay ayaa haatan ku dhow inay soo dhammaato.

    Arbacadii, Twitter-ka keliya ma uusan xirin akoonka madaxweynaha, balse wuxuu u diray digniinno culus oo ku aaddan mustaqbalka fog ee madaxweynaha ee isticmaalka bartaas.

    Caadi ahaan shirkaddu 12 saacadood ayay xirtay cinwaanka Mr Trump, iyadoo sheegtay inuu mar kale isticmaali karo maaddaama uu tiray saddex qoraal oo ay sheegtay inuu meel ka dhac ku yahay siyaasadda bartaas.

    Balse qeybtan ayaa ugu muhiimsan warkii uu Twitter-ku soo saaray: “Meel ka dhaca mustaqbalka ee Shuruucda Twitter, wuxuu sababi doonaa in gebi ahaanba la mamnuuco akoonka @realDonaldTrump.”

    Siyaasadda Sumcadda Bulshada ee Twitter waxay leedahay: “Uma isticmaali kartid adeegyada Twitter-ka si aad u farageliso doorashooyinka amaba hannaanka kale ee arrimaha bulshada.”

    Qoraallada Mr Trump ee la xiriira eedeymaha aan caddeynta loo heyn ee in doorashada lagu shubtay ayaa ka mid ah kuwa jebiya sharcigan.

    Mr Trump ama qof kale oo u dhow ayaa laga yaabaa inuu tiray qaar ka mid ah qoraalladiisii ugu dambeeyay

    Hagaag Twitter-ku wuxuu leeyahay shuruudo gaar u ah hoggaamiyeyaasha caalamka.

    “Waxaan garwaaqsannahay in mararka qaar iyadoo la eegayo danaha bulshada loo oggolaado dadka inay arkaan qoraallo ay ahayd in la xannibo,” shuruucda Twitter ee madaxda caalamka ayaa sidaas qaba.

    “Haatan, waxaan xaaladaha gaarka ah ku koobeynaa hal qeyb oo ka mid ah qoraallada ku saabsan danaha bulshada – qoraallada ka yimaada saraakiisha la doortay iyo kuwa dowladda.”

    Balse madaxa shirkadda, Jack Dorsey ayaa waxay ula muuqatay in iyadoo danaha bulshada la eegayo loo daayo akoonkiisa, iyadoo qoraalladiisa shuruucda jebinaya lagu lammaaninayo farriimo digniin ah, marka laga reebo inuu Madaxweynuhu ku baaqo rabshad – taas oo ay hadda shirkaddu aaminsan tahay inay tahay arrinta taagan.

    “Cidna iskama indho tireyso,” ayuu yiri sarkaal sare oo laga soo xigtay Twitter-ka.

    Isku soo ururi, Mr Trump ayaa loo oggolaaday inuu sii isticmaalo Twitter – isagoo dhowr jeer jebiyay shuruucdiisa – sababtuna waxay tahay inuu yahay madaxweyne.

    Balse iyadoo ay sii dhammaaneyso awoodda ay madaxweynaha siiyeen dadka Ameerikaanka ah, waxaa sidoo kale soo afjarmeysa xasaanadda uu ku leeyahay Twitter-ka.

    Erayadiisa farriimaha uu ku soo gudbiyo baraha bulshada, muddada sanadaha ah, waxay gacan ka geysteen weerarkii Arbacadii lagu qaaday Capitol Hill.

    Maaddaama uu dhowaan noqonato muwaadin caadi ah, waxaa fududaaneysa in la soo saaro go’aan looga xirayo akoonka.

    Facebook ayaa isaguna hakiyay akoonka Mr Trump muddo 24 saacadood ah, waxaana laga yaabaa inuu ka fekerayo in xayiraado dheeraad ah uu mustaqbalka ku soo rogo.

    Dhammaan shirkadaha waaweyn ee baraha bulshada ayaa caddeeyay – in ka muwaadin gaar ah ahaan – haddii aad sii waddo arrimo dhib keenaya amaba aad buunbuuniso xagjirnimada, waxaad filataa in dibadda laguu saarayo. Mr Trump kama duwanaan doono dadkaas.

    Shirkadaha baraha bulshada ayaa haatanba ka war qaba in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu aaminsan yahay in shirkadaha waaweyn ee teknolojiyadda aysan wax badan ka qaban ka hortagga wararka been abuurka ah iyo khudbadaha nacaybka ku saleysan.
    Waxay haatan aad ugu kulul yihiin inay muujiyaan inay taasi awoodaan, oo ay iyagu bartooda ka yihiin booliis.

    Marka la isku soo ururiyo sababahaas oo dha, Mr Trump waxaa u furan labo arrimood marka ay timaaddo mustaqbalkiisa Twitter-ka.

    Wuu ka soo laaban karaa, una hoggaansami karaa shuruucda Twitter-ka wuxuuna u addeeci karaa sida muwaadin caadi ah, Amaba in gebi ahaanba laga xiro cinwaankiisa.

    Mr Trump laguma yaqaanno inuu is beddelo. Waa waxa ka caawiyay inuu gaaro heerka uu hadda taagan yahay. Balse sababtaas darteed, waxaa adag in la sawirto sida ay isaga iyo Twitter iskula shaqeyn doonaan marka uu ka tago Aqalka Cad.



    Source link

    Admin

    See author's posts

    Admin

    Admin

    Related Posts

    Austria makes FFP2 masks mandatory in shops, public transport –

    January 26, 2021
    0

    The Central African Republic says dozens of rebels were killed in counter-offensive –

    January 25, 2021
    0

    Ugandan judge orders Bobi Wine released from house arrest –

    January 25, 2021
    1

    A hashtag reappears ten years after the Egyptian revolution and the posts are bitter –

    January 25, 2021
    0

    China’s Xi warns of “new Cold War” at the start of the Davos forum –

    January 25, 2021
    0

    Greece, Turkey resume talks on maritime disputes after years of strife –

    January 25, 2021
    1

    Stay Connected test

    • 79 Followers
    • 93.2k Subscribers
    • 22.9k Followers
    • 99 Subscribers
    • Trending
    • Comments
    • Latest

    Sevilla: Jules Koundé positive for coronavirus

    October 16, 2020

    Doctors take inspiration from online dating to build organ transplant AI

    August 25, 2020

    DEG DEG:-MD Farmaajo, Mursal & Rooble Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Villa Somalia Iyo Nisa Oo War..

    October 14, 2020

    (Sawirro) RW Rooble oo sheegay in Xukuumadiisu ahmiyad gaar ah siinayso dhamaystirka..

    October 14, 2020

    Game of Thrones spending just as long making fewer episodes

    0

    With 150 million daily active users, Instagram Stories is launching ads

    0

    Washington prepares for Donald Trump’s big moment

    0

    CS:GO ELeague Major pools and tournament schedule announced

    0

    Austria makes FFP2 masks mandatory in shops, public transport –

    January 26, 2021

    The Central African Republic says dozens of rebels were killed in counter-offensive –

    January 25, 2021

    Ugandan judge orders Bobi Wine released from house arrest –

    January 25, 2021

    A hashtag reappears ten years after the Egyptian revolution and the posts are bitter –

    January 25, 2021

    Recent News

    Austria makes FFP2 masks mandatory in shops, public transport –

    January 26, 2021
    0

    The Central African Republic says dozens of rebels were killed in counter-offensive –

    January 25, 2021
    0

    Ugandan judge orders Bobi Wine released from house arrest –

    January 25, 2021
    1

    A hashtag reappears ten years after the Egyptian revolution and the posts are bitter –

    January 25, 2021
    0
    ADVERTISEMENT
    AfmoNews

    Afmo News www.afmonews.com is an independent Somali News site owned by Somali World News. Established in 2020 by Somali journalist, Afmo News is the World News site as of April 2020. Afmo News covers all the latest headlines in Somali news, politics and society.

    Follow Us

    Browse by Category

    • Apps
    • Business
    • Entertainment
    • Fashion
    • Food
    • Gadget
    • Gaming
    • HEALTH
    • Health
    • Lifestyle
    • LOVE STORY´S
    • Mobile
    • Movie
    • MOVIE & TV
    • Music
    • News
    • Politics
    • Review
    • Science
    • SCIENCES
    • SOMALI NEWS
    • Sports
    • Startup
    • TECH
    • Tech
    • Travel
    • Uncategorized
    • World

    Recent News

    Austria makes FFP2 masks mandatory in shops, public transport –

    January 26, 2021

    The Central African Republic says dozens of rebels were killed in counter-offensive –

    January 25, 2021
    • About
    • Advertise
    • Privacy & Policy
    • Contact

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • News
    • Tech
    • Entertainment
    • Lifestyle
    • Review
    • Politics

    © 2020 AfmNews is an independent Somali News site owned by Somali World News.

    Login to your account below

    Forgotten Password?

    Fill the forms bellow to register

    All fields are required. Log In

    Retrieve your password

    Please enter your username or email address to reset your password.

    Log In
    This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.
    • English
    • Somali (Somali)
    • Deutsch (German)