Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay waqtiga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas iyo ku xigeenkiisa.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ay dhacayaan 8 ilaa 9 Bisha November, halka hadal jeedinta musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ay dhaceyso 10-ka Bishaan.
