Xukuumadda Somaliya ayaa meesha ka saartay in wax rayid ahi lagu dilay duqayntii maanta ka dhacday nawaaxiga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wasaaradda Warfaafinta Somaliya ayaa war ay saqdii dhexe ee caawa soo saartay waxaa lagu sheegay in laba weerar oo ka dhacay agagaarka deegaanka Dab Shiniile iyo Degmada Jamaame lagu dilay saddex ka mida maleeshiyada Al Shabaab.
“Dowladda Federaalka Somaliya oo kaashaneysa Taliska AFRICOM waxay laba weerar oo cirka ah ku qaaday Al Shabaab, agagaarka Dab shiniile iyo Jamaame, Januaruy 19, 2021. Sida ku xusan qiimeyntii ugu horeysay duqaymaha cirka waxaa lagu dilay saddex ka mida maleeshiyada Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa waxaa lagu sheegay inaanay jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo duqaymahaasi ka soo gaaray dadka rayidka, sida ku cad qiimeynta.

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in Dowladda Somaliya iyo Taliska AFRICOM ay qaadaan tallaabooyin waaweyn oo looga hortaggo waxyeelada rayidka, si ka duwan baa warka lagu yiri weerarada aan kala sooca lahayn ay Shabaabku sida joogtada ahi ugu gaystaan dadka rayidka ah.
Barraha Internet-yada ee afka Shabaabka ku hadla ayaa baahiyay in duqaynta lagu dilay mid ka mida Salaadiinta beelaha, kaasoo ay magaciisa ku sheegeen Suldaan Maxamed Cabaas.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaan dhankooda sheegin wax rayid ahi oo duqeymahaasi ay waxyeelo ka soo gaartay, taasi bedelkeedana waxay sheegeen in lagu dilay saddex ka mida maleeshiyada Al Shabaab.
Taliska AFRICOM ayaa sanadkan bilowga ah dardar ku wada weerarada dhinaca cirka, ee ay ka gaysanayaan dhulka ay maamusho Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com